Maxay tahay digniinta uu maanta gobolka Benaadir u direy shacabka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta dadweynaha gobolka Benaadir u direy digniin culus, kadib kormeer uu saaka ku tagay xeebta Curubo ee degmada Shangaani.

Cumar Filish ayaa sheegay in xeebta Curubo ee Shangaani ay noqontay goob dadka ay ku shubaan qashinka, midaasi oo keeni karta caafimaad darro, kana hor-imaneyso nadaafada deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay in dadweynaha ay qashinka ku shubaan goobo aan munaasibad ku aheyn, taasi oo uu sheegay in uusan maamulka gobolka Benaadir u dulqaadan doonin.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shacabka uga digay inay qashin ku shubaan goobaha qaar ee magaalada, midaasi oo keeni karta caafimaad darro iyo inay hoos u dhacdo bilicdii caasimadda.

Digniinta Filish ayaa imaneysa xili ay goobaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay dadka ku shubaan qashin fara-badan, ayada oo magaalada ka jiraan shirkado ka shaqeeya nadaafada, kuwaasi oo si gaar ah lacago uga qaada dadweynaha.