Sawirro: Wafdi Sacuudiyaan ah oo Muqdisho yimid iyo ballanqaad loo sameeyay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xil-gaasriinta, Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo booqasho ku jooga caasimada dalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka iyo sarre u qaadista iskaashiga labada dhinac, oo muddooyinkii dambe uu hareeyay mad-madow badan.

Labada dhinac ayaa diirada saaray sidii dib loogu soo celin lahaa shaqadii safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo muddooyinkii dambe xirney, islamarkaana dib loogu furi lahaa albaabada.

Wafdiga ayaa dhinacooga uga mahad-celiyay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisual wasaaraha soo dhawyenta uu u sameeyay, waxayna ballan-qaadeen inay kordhin doonaan taageerada ay siiyan dowladda Soomaaliya, oo hoos dhac weyni ku yimid.

Kulanka ayaa daba socda dadaalo ay uu ra’iisal wasaare Rooble ku rabo inuu si buuxda ugu soo celiyo xiriirka labada dal oo gaabis badan ku yimid, tan iyo markii uu bishii hore safar ku tagay dalkaas.