Maxay tahay digniinta uu Mareykanka u gudbiyey dalal ay Soomaaliya ku jirto?

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda dalalka Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya xasilooni darro ay sheegtay in dalalka Ruushka iyo Shiinaha ay ka wadaan Afrika, iyaga oo adeegsanaya lacago mallaayiin dollar ah oo ay ugu magac dareen taageero.

Hadalkaan ayaa waxaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaal uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntii Mareykanka ee Afrika, isaga oo isticmaalaya diblomaasiyad shakhsi ah, taas oo keentay in uu qaabilo 49 hoggaamiye oo Afrikaan ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay sanad walba sii ballaarinayaan, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale saameynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika,

“Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatooyin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn,” ayuu xusay Austin.

Ugu dambeyn Xoghayaha Difaaca Ameerika Lloyd Austin ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay inay billawday in dalalka  Afrika ay si raqiis a hubka uga iibiyoi isaga oo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana keeni karta xasilooni daro.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Madaxda Afrika ay ku sugan yihiin dalkaas, islamarkaana ay wada-hadallo la leeyihiin Madaxda Mareykanka si loo xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.