Sheekh Cabduljabaar Naasir oo dil loogu xukumay inuu aflagaadeeyey Nebiga NNKH

Kanu (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku caan baxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Tallaabadani ayaa timid, kaddib markii lagu helay wadaadka dambi ah inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammad NNKH, kaasoo uu ku sheegay qaar kamid ah wacdiyo uu jeediyey.

Sheekh Cabduljabar Naasir Kabara, ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waxa uu maamulka ku hayey xabsi, kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay been ka dhan ah Nabi Muxammad NNKH.

Maxkamadeynta ayaa waxaa si dhow ula socda dadka reer Nigeria. Kano, ayaa waxay kamid tahay dhowr iyo toban gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo shareecada lagu dhaqmo, iyadoo uu ku lammaanan yahay sharciga cilmaaniga ah ee dalka.

Caalimkan oo 52 jir ah, ayaa kasoo jeeda Dariiqada Qaadiriyada. Waxa uu leeyahay tiro aad u badan oo raacsan isaga, gaar ahaan gobolka Kano.

Aabihii waxa uu ahaa hoggaamiyihii dariiqooyinka ka jira Galbeedka Afrika, illaa uu geeriyooday sanadkii 1996-kii.

Sheekh Cabduljabar, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka.

Xukunka dilka ah ee ay xukumaan maxkamadaha dalka Nigeria, ayaa dhif ah in la fuliyo. Taa beddelkeeda, dadka la xukumo, ayaa waxaa badanaa lagu hayaa xabsiyada muddo aan xad lahayn.

Isha: BBC