Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Joe Biden?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta ah isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab. 

Madaxweyne Joe Biden ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka sheegay in Al-Shabaab aan looga guuleysan karin dagaal oo kaliya.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”