Shabaab iyo Xasan Sheekh: Muxuu sameeyay markii looga adkaaday doorashadi 2017?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shanti sano uu mucaaradka ahaa uu ka shaqeynayay sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

“Markii aan ku guuldareystay doorashadii 2017-kii oo aan xilka ka maqnaa muddo shan sano ah, muddaas aniga, xisbigeyga iy waxgaradka waxaa inoo soo baxday waxka baddalka wacyiga bulshada iyo aragtidooda ku aadan ururkan, Al-Shabaab tallaabo militeri ah kaliya ah loogama guuleysan doono, waxaa looga guuleysan karaa dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeybgalayay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika uga socday dalka Mareykanka.

Tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, oo uu markii labaad qabtay, waxa uu ku celcelinayay in shaqada ugu horreysa ee dowladdiisa ay qabaneyso ay tahay baabi’inta Al-Shabaab.

Waxa uu horay u sheegay in awal dagaalkan loogu adeegsaday labo xeeladood balse ay shaqeyn waayeen.

“Xeeladda xakameynta oo ah in Al-Shabaab lagu ekeeyo gudaha Soomaaliya, si aysan ugu fidin dalalka deriska ah iyo dalalka dibadda ayaa ka mid ahayd xeeladihii la adeegsanayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in xeeladdaas ay guul darreysatay, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab “ay ku shaqeeyaan fikrad” weerarrada ay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ka fuliyeenna ay caddeyn u yihiin in xeeladda xakameynta aysan suurtagal ahayn.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”