Maxaa looga hadlay kulanka Xasan Sheekh iyo Ruto?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay dhigiisa dalka Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab.

William Ruto ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada.

Sidoo kale waxa uu sii adkeeyay taageerada joogtada ah ee ay dowladiisu la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalkiisa uu la leeyahay Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, isagoo xusay muhiimada ay leedahay fulinta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka, iyada oo dowladda federaalka ay gudbisay qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaaga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka deg-degga ah iyo la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe kulamo doceedyo la qaadanayay madaxda kasoo qeyb-gashay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka, wuxuuna sidoo kale kulan la yeeshay dhigiisa Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal, la-dagaalanka Al-Shabaab iyo arrimo la xiriira shirka ka socda Mareykanka.