Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay howlgal xilli DF ay qabsatay degaan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal muddo 48 saacadood ka socday degaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay tiro ku dhow 100 Al-Shabaab ah.

Howlgalkan oo isugu jiray duqeyn cirka ah iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay Tuulada Juxaay ee hoostaga degaanka Guulane, Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen boqolal Alshabaab ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegya in ilaa 88 Al-Shabaab ay lagu laayey weerarka, islamarkaana meydadka 32 ka mida la ururiyay, lana aqoonsaday, halka inta kale la aqoonsan karin, sida uu sheegay.

Maleeshiyadan ayaa lagu duqeeyay meel howd ah oo go’doon ah, waxaana duqeynta fuliyey ciidamada Mareykanka, iyadoo wasiirka uu sheegay in hal askari uu ku dhintay howlgalka afar kalena ay ku dhawacmeen.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen saanad ciidan iyo hub fara-badan, kuwaasi oo argagixisada ay u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka iyo duqeynta khasaaraha weyn dhalisay ee ka dhacday degaanka Guulane oo ay isku urursanayeen.

Juxaay waa degaan istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgallada ka socda goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga, iyaggoo halkaasi ka wada howlgallo nadiifin ah.