Maxay tahay fadeexadda Pegasus ee hareysay madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in madaxdooda ay software-ka ay sameyso Israel ee Pegasus u adeegsadaan inay ku jaajuusaan suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri “Tuhunnada sheegaya in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo lagu eedeeyey inay koor-joogteyn ku beegsadaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale looma hayo wax caddeymo ah oo saldhig u noqon kara.”

Eedeymaha noocaas ah “waa been cad,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Arbacadii iyana sheegtay in “sarkaal Sacuudiyaan ah uu beeniyey tuhunno dhowaan lagu sheegay warbaahinta oo ah in hay’ado iyo shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada ay software-ka Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan taleefonada.” 

“Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in eedeymaha noocan ah ay yihiin kuwa been ah, islamarkaana siyaasadda boqortooyada aysan taageerin dhaqamada noocan ah.”

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowlado dhowr ah oo lagu eedeeyey inay Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka iyo kuwa dhaliila.

Xogtan ayaa lagu ogaaday 50,000 oo qof lagu beegsaday barnaamijka Pegasus oo loo dusiyey hay’ado xuquuqda aadanaha. 

Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International, kooxda Forbidden Stories ee fadhigeedu yahay Paris iyo warbaahin ay ka mid yihiin Washington Post, Le Monde, iyo The Guardian ayaa ka wada shaqeeyey in la taxliiliyo liiskan lana shaaciyo. 

Shirkadda Israel ee NSO iyo barnaamijkeeda Pegasus, ayaa awood u leh inay daaraan kaamirada ama mikrafoonka taleefonka, si ay u helaan xogta qofka ama u dhageystaan. 

Shirkaddan ayaa caalamka markii ugu horreysay uu kusoo baraarugay 2016, kadib markii loo adeegsaday in lagu jaajuuso mucaaraadka Imaaraadka Carabta.

“Software-ka NSO waa hubka ay doortaan dowladaha dadka caburiya si ay u aamusiyaan suxufiyiinta, u weeraraan una burburiyaan mucaaradka, oo ay halis geliyaan nolol badan,” waxaa sidaas yiri madaxa hay’adda Amnesty Agnes Callamard.