Maxay tahay xeeladda ay ku dhisan tahay xubnaha uu Farmaajo u magaacabayo xilalka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbadal weyn ku sameeyey dhammaan xilalkii muhiimka u ahaa dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Taliyayaasha noocyada kala duwan ee ciidamada, sidoo kalana wuxuu isbadal ku sameeyey Gobolka Banaadir.

Haddaba sida uu madaxwyenaha wax u magacaabayo marka aad fiiriso iyo shaqsiyaadka xilalka loo dhiibayo, waxaa halkaas kaaga cadaanayo inuu Madaxweyne Farmaajo isticmaalayo qadiyad ku saleysan inuu xilalka u magacaabo shaqsiyaad lasoo shaqeeyey xilligii Xukuumadiisa iyo kuwa ay isku dhaceyn Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa muhiimadda koowaad siinayo shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ahaa Ra’isulwasaare  soo maray dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, Inkastoo markii dambe xilka laga qaaday, wuxuuna xilal usoo magacaabay wasiiradii iyo Mas’uuliyiintii lasoo shaqeeyey Saaciid oo uu u arkay inay yihiin kuwa tayo leh oo mudan inay dalka Hoggaamiyaan.

Tusaale ahaan Sanbaloolshe oo loo magacaabay taliyaha nabadsugidda ayaa ahaa shaqsi dhawr jeer xilal ay kasoo qaaday dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kalana Thabit Cabdi Maxamed waxaa horey xilka agaasimaha Madaxtooyada ka qaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Jen. Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa ah shaqsi ay isla soo shaqeeyeen Madaxwyene Farmaajo xilligii uu Ra’isulwasaaraha dalka ka ahaa.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ee uu Farmaajo magacaabay ayaa xilkaas horey usoo qabtay xilligii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, markaas oo uu dalka Ra’isulwasaare ka ahaa Saacid, waxaana markii dambe xilkaas ka qaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Inta badan shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda Farmaajo, haddii ay ahaan lahaayeen wasiiro iyo Taliyayaal Ciidan ayaa ah dhammaantood shaqsiyaad ay isku soo dhaceyn Ururka Damul Jadiid, welina si rasmi ahna looma ogo ujeedka uu Farmaajo ka leeyahay arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com