Maxay tahay saamaynta dhaqaale ee CORONAVIRUS ku yeelan doono Somalia?

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Coronavirus oo noqday mushkilad caalami ah, ayaa dunida ku yeeshay kuna yeelan doona saamayn u badan mid taban.

Soomaaliya oo dhibka Virus-kan la qabta caalamaka aafadan la daalaa dhacaya, ayaa waxaa iyada iyo dalal kooban la gooni yihiin in hab-dhismeedka dhaqaalahoodu si xad dhaaf ah ugu tiirsanyahay dunida maantay albaabada xiratay.

Saamaynta taban ee Coronavirus ku yeeshay ama ku yeelan doono dhaqaalaha dalka ayaa si gooni ah looga dareemi doonaa qaybaha:

  1. Bankiyada & xawaaladaha;
  2. Soo dejinta badeecooyinka;
  3. Dakhliga dawladda (Cashuur, deeqaha shisheeye iyo khidmooyinka kale);
  4. Dhoofinta xoolaha ee xilliga xajka;
  5. Xoogsatada muruq-maalka ah;
  6. Shirkadaha diyaaradaha, safarka iyo hoteellada.
  7. Ganacsatada qaadka.

BANKIYADA & XAWAALADAHA:

Meesha ugu daran ee saamaynta dhaqaale ee Corona laga dareemi doono waa halkan maadaama dhibka soo gaara industry-gani u gudbo doono qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka.

Xawaaladaha iyo bankiyada ayaa la inoo soo marsiiyaa biilasha ay soo diraan qurbejoogtu oo marka lagu daro deeqaha shisheeye inoo daboola dheelitir la’aanta ku jirta ganacsigeenna dibedda (Trade deficit) oo dhan 70% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka(GDP).(Halkan ka daalaco: (Halkan ka daalaco:

http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf).

Lacagaha xawaaladaha oo intooda badan ka yimaad waddamada Yururb iyo waqooyiga America, ayaa shirkadaha xawaaladuhu ku soo daabulaan diyaarado ama habab kale oo bankiyadu ka mid yihiin iyaga oo geeya inta badan dalalka Imaaraatka iyo Turkiga kadibna u adeegsada lacagahaas in ay ku daboolaan midda ay gudaha dalka ka dirsadaan ganacsatada ujeedkeedu yahay in ay badeeco ka soo iibsadaan dalka dibeddiisa.

Saamaynta Corona ku yeelan doono xawaaladaha ayaa ka imaaanaysa saddex dhinac oo kala ah:

  1. Xairaad: In badan oo ka mid ah dadkii lacagaha soo diri jiray maantay waxa ay ku jiraan xayiraad iyo Bandow ama waxaa la xiray goobihii ay ka shaqaysan jireen, taas oo si daran u dhaawacaysa dakhligii soo geli jiray deedna yarayn doonta awooddii ay lacagaha ugu soo diri lahaayeen dadkooda ku nool gudaha dalka.
  2. Kala go’a silsiladdii qulqulka lacagta: Marar badan shirkadaha xawaaladuhu waxa ay adeegsan jireen diyaarado si lacagaha xawaaladda ay ku qabtaan Yurub iyo waqooyiga America ay ugu soo daabulaan Dubai iyo Turkiga oo ah meesha lagu kala wareejiyo lacagaha Soomaliya ku socda iyo kuwa ka baxaya. Sida laga warqabo, waxaa la hakiyay in badan oo ka mid ah duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray waddamada bariga dhexe, Yurub iyo Waqooyiga America taas oo kala goysay silsiladdii qulqulka lacagaha ee dalku ku tiirsanaa, taas oo dhankeeda ka yarayn doonta qulqulka cash-ka ee soo geli jiray dhaqaalaha dalka.
  3. Dheelitir la’aan: Mararka qaar oo xawaaladuhu ay waajahaan isu-dheelitir la’aan lacagaha u yaal gudaha dalka iyo kuwa ka yaal dibedda, waxa ay cash ka daabulaan dhinicii lacagtu kaga badato (Gudaha dalka ama dibedda) si ay meesha uga saaraan dheelligaas cash ee ay waajahayaan. Si ay arinkan u sameeyaan, waxaa xawaaladuhu

adeegsadaan duulimaadyo diyaaradeed. Hase yeeshee, maadaama la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay dalka, waxaa meesha ka baxay habkii daabulka cash-ka ee xawaaladuhu adeegsan jireen, taas oo culeys baaxad leh ku yeelan doonta adeegga xawaaladaha.

SOO DEJINTA BADEECOOYINKA:

Meesha labaad ee saamaynta taban ee Coronavirus Soomalidu ka dareemi doonaan waa soo dejinta alaabaha dibedda inooga yimaad sida cuntada, dawada IWM oo labo dhinacba culeys ka soo wajihi doono:

  1. Bandowga la saaray halkii aan wax ka soo dhoofsan lahayn: Waxaa xanibaad iyo Bandow lagu soo rogay dalalka India iyo Malaysia, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqii la yareeyay Turkiga iyo Imaaraatka. Afartan dal oo lagu daray China ayaa ah halka laga soo dhoofiyo badeecooyinka ugu badan ee Somalia timaad. Xayiraadda loo geystay muwaadiniinta dalalkaas cabsida Corona dartiis waxa ay yarayn doontaa ama meesha ka saari doontaa badeecooyinkii aan dalalkaas ka keensan jirnay haba ugu badnaato cuntaduye.
  2. In aan weyno lacag aan wax ku soo iibsanno: Saamaynta labaad waxa ay ka imaanaysaa in la waayi karo ama ay ciriiri geli doonaan lacagihii lagu soo iibsan jiray badeecooyinka aan soo dejisanno maadaama culeys badan saaranyahay lacagihii ka imaan jiray Yurub iyo Waqooyiga America ee la soo marsiin jiray xawaladaha iyo

bankiyada, taas oo sida aan horay u soo sheegnay lagu maalgeliyo soo iibsiga  badeecadaha ka gadaal marka lagu kala wareejiyo Dubai ama Turkey. Culeyska ka imaan kara badeecoyinka la soo dejiyo ee dalka ayaa sii labo-jibaarmaya marka

xisaabta lagu darsado in aan dalkeennu lahayn kayd istriaatiiji ah oo xagga cuntada, dawada iyo shidaalka ah.

DAKHLIGA DAWLADDA (CASHUUR, DEEQAHA SHISHEEYE IYO KHIDMOOYIN KALE):

Sida ku cad miisaaniyadda dawladda Soomalaiya ee sanadka 2020 (Halkan ka daalaco:

http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf).

http://mof.gov.so/sites/default/files/202001/XEERKA%20QOONDAHA%20MIISAANIYADDA%20 2020-KA.pdf) oo wadarteedu ku dhawdahaya nus-bilyan doolar, dakhliga cashuuraha ayaa gaaraya 50.3% ka mid ah wadarta guud ee dakhliga dawladda halka 49.7% ka mid ah miisaaniyaddu ay ka imaanayso deeqaha dalalka shisheeye siiyaan Soomaaliya.

CoronaVirus waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa labada il ee dakhligu ka soo galo dawladda iyada cashuuraha guduhu yaraan doonaan maadaam ay meesha ka baxayaan badeecooyin badan oo la cashuuri jiray sida soo dejinta badeecooyinka oo yaraan doona, qaadka oo meesha ka baxay iyo cashuurta saaran tigidhada dadka ka dhoofaya ama ku soo degaya garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa sidoo kale meesha ka baxaya khidmadihii dawladdu ka heli jirtay garoonka Adan Cabdulle sida khidmadda visaha, khidmadda landing fee-ga, iyo khidmadda laga qaado diyaaradaha mara hawada Soomaaliya maadaama duulimaadyadii wada istaageen ama aad u yaraadeen.

Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in ay yaraan doonaan deeqihii shisheeye ee dalku heli jiray maadaama dalalkii bixin jiray deeqahaasi ay iyaga naftoodu la daalaa dhacayaan dhibaatada CaronaVirus.

Saamaynta taban ee halkaas ka imaanaysa ayaa u sii taraarixi doonta cid kasta oo dakhligeedu ku tiirsanaa dawladda sida shaqaalaha dawladda, qandaraasleyda ka shaqeysata mashariicda dawladda iyo cid kasta oo dawladdu wax ka iibsan jirtay.

DHOOFINTA XOOLAHA EE XILLIGA XAJKA:

Xilliga hadda la jooga waa kolka xoolaha ugu badani ka dhoofaan dalka, haba ugu badnaadeen kuwa ku socda dalka Sacuudiga ee sanad walba malaayiin muslimiin ahi u xaj tagaan.

Hadda ma jiraan ama aad ayay u yaryihiin xoolaha loo dhoofiyo Sacuudigu maadaama shaki ku jiro in sanadkan la xajin doono iyo in kale iyada oo haddaba Sacuudigu joojiyayn viisooyinkii cimrada.

Halkaas waxaa dalkeenna uga baaqan doona lacago badan oo inaga soo geli jiray dhoofinta xoolaha oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya. Saamaynta taban ee ku dhici doonta qaybta xoolaha ee dalku ma noqon doonto mid ku eg tujaarta xoolaha dhoofisa ee waxa ay u daadegi doontaa ilaa qofka xoolo-dhaqatada ah, gaadiidka daabula xoolaha, kuwa ari-xarraaska loo yaqaan iyo cid kasta oo si toos ah ama si dadban dakhligeedu ugu xiranyahay xoolaha tiiyoo yarayn doonta awooddooda wax-iibsiga deedna saamayn ballaaran ku yeelan doonta qaybaha kale ee dhaqaalaha ee ka faa’iideysan jiray dakhliga soo gala dadka dakhligoodu ku xiranyaahy xoolaha.

XOOGSATADA MURUQ-MAALKA AH:

Allaah ha inaga haayee cudurkan Coronavirus haddii uu ku faafo dal sida Soomaaliya oo kale uu liito habkiisa caafimaadku, waxaa la hubaa in uu dhulka dhigi doono xoogsato badan oo quutul-yoomkooda u soo dhacsada si maalinle ah. Dadkan waxaa ka mid ah xamaaliga, fuundiga, beeraleyda, xoolo-dhaqatada, darawaliinta bajaajta, Mallaay dabatada, iwm. Xanuunka soo waajaha qaybahaas, waxaa uu meesha ka saari doonaa dakhligoodii alyoomka ahaa ee ay heli jireen taas oo dhabarjab dhaqaale ku nonon doonta kuwii iyaga ku tiirsanaa.

SHIRKADAHA DIYAARADAHA, SAFARKA IYO HOTEELLADA:

Ogaanteyda, shirkadihii diyaaradaha ee Soomaalida waxaa ka soo haray DAALLO Airlines oo aan uga duceynayo in aanay suuqa uga baxin CoronaVirus dartiis. Sidoo kale hakadka duulmimaadyada ee ka jira dalku waxa uu saamayn aad u weyn ku yeeshay kuna yeelan doonaa shirkadaha travel agencies-ka iyo hotellada oo dakhligoodu si toos ah ugu xirnaa socdaalka dadka oo hadda u muuqda meesha ugu daran ee Coronavirus ku yeeshay

saamaynta ugu ballaaran.

GANACSATADA QAADKA:

Inkasta oo uu dhibaato dhaqaale oo baahsan ku hayo qaadku dalkeenna, isla markaana aan anigu ku jiro dadka aaminsan in la joojiyo haddiiba tabar loo hayo, hadana waxaan la inkiri karin in ay jiraan dad badan oo Soomaliyeed oo ka xoogsada qaadka sida kuwa soo dejiya, kuwa daabula, kuwa sii gada, kuwa garaabiistayaasha ah iyo biibitooyinka lagu qayilo.

Saamaynta dhaqaale ee hakinta qaadka ayaa isugu jiri doonta mid taban iyo mid togan. Saamaynta taban ayaa ka imaan doonta dakhligii ay heli jireen dhamaan dadkii ku xirnaa qaadka oo meesha ka bixi doona halka saamaynta toganina ka imaanayso lacagaha faraha badan ee inooga bxii jiray qaadka oo inoo baaqanaya isla markaana geli doona qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka sida qudaarta (Qaraha IWM oo aad loo cuni doono) iyo

maqaayadaha maadaama ay gaajo dareemi doonaan dad badan oo daroogada qaadku ilawsiisay gaajada.

W/Q: Abdulrazak Mohamed Ahmed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.