Puntland oo 6 qof karantiil ku gelisay magaalada Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi xalad karantiil ah lagu geliyey dad looga shakiyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus.

Ilo dhanka caafimaad ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dadka la karantiilay oo dhammaan rag ah ay gaarayaan illaa lix qof, kuwaas oo looga shakiyey xanuunka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi oo iyagu iskood u tegay xarumaha caafimaadka laga qaaday baaritaano, si loo ogaado xaaladdooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in raggaasi ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa, islamarkaana ay dhowaan gudaha u galeen Puntland, gaar ahaan Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro kiis ay shaacisay xukuumadda Puntland, balse waxaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi ka jirta cabsi la xariirta faafitaanka cudurkaasi.

Puntland ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo Corona, iyadoona ku dhawaaqday inay xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Itoobiya.

Soomaaliya, gaa ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey illaa haatan saddex kiis oo la xariira cudurka Coronavirus, kaas oo fara ba’an ku haya caalamka.