Xubnaha mucaaradka ee guddiga doorashooyinka oo maanta ‘waji gabax’ kala kulmay golaha wakiilkada S/L

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha wakiilada Somaliland oo maanta iskugu yimid Fadhi aan caadi aheyn oo uu dhowaan dalbaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ku aadana ansixinta xubnaha cusub ee Xisbiyada mucaaridku u soo magacaabeen Komishanka Somaliland.

Xubnaha ay Mucaaridku u soo magacaabeen kamid noqoshada Komishanka cusub ee Somaliland, ayaa Golaha wakiilada kala kulmay kalsooni daro weyn, maadama ay waayeen codadkii ay uga mid noqon lahaayeen Komishanka.

Xildhibaanada Golaha oo mid mid ugu gacan taagay Labada xubnood ee xisbiyada Ucid iyo Waddani u soo xuleen kamid noqoshada Komishankii cusbaa ee dhowaan shaqo bilaabay, ayaa midkoodna uusan helin tirada codadkii lagu ansixin lahaa.

Cabdikariin Maxamuud Siciid (Dalmar) oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u xulay kamid noqoshada Komishanka, ayaa wax u codeeyay 31-Xildhibaan, halka ay diideen Lix xildhibaan, waxaana ka aamusay 14-Xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdifataax Ibraahim Xasan oo isagna ahaa Xubinta Xisbiga UCID ee Komishanka, ayaa waxa uu codeeyay 29-Xildhibaan, halka ay diideen Siddeed xildhibaan, waxaana ka aamusay Xildhibaano dhan 14-xildhibaan.

Waxayna labadaasi xubnood sidaasi ku lumiyeen kalsoonidii golaha ee ay kaga mid noqon lahaayeen Komishanka doorashooyinka Somaliland, maadama xubin walba laga rabay 41-Cod.

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada  mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, oo si wada-jira warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in goluhu uu kalsoonidii siin waayo xubnihii mucaaridka ee Komishanka, isla markaana aysan fileyn go’aankan, inkasta oo ay xuseen in goluhu u madax-banaan yahay go’aamadiisa.