Tirada dhimashada cudurka COVID-19 oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu soo ritay cudurka Corona ayaa korortay caalamka, sida ay warisay jaamacadda Johns Hopkins.

Warbixinta ka soo baxday Johns Hopkins ayaa lagu sheegay in saaka tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dalka Mareykanka ay gaartay in ka badan 104,000, dhimashadana ay kor u dhaaftay illaa 1,700, taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 27,360.

Sidoo kale tirada ugu badan ee dhimashada dalka Talyaaniga ayaa gaartay 919 qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi.

Spain ayaa sidoo kale dhankeeda 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaan-gelisay illaa 769 dhimasho ah, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalkaas 4,858 oo qof.

Dhinaca kale marka la’eego qaaradda Afrika ayaa waxaa illaa iyo hadda kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafayaan 3000 oo kiisas ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee uu cudurku ku hayo halis badan, waxaana dowladda dalkaasi ay shaacisay dhimashadii ugu horreysay ee Corona.

Sidoo kale wadamada Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa laga soo warinayaa kiisas cusub oo la xariira cudurkaasi sida fudud ku faafa.

Ugu dambeyn Soomaaliya oo iyana la xaqiijiyey illaa saddex kiis ayaa dhankeeda haatan wada dadaallo xoogan oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaan.