Tirada maxaabiista ay Somaliland usii deynayso cudurka Coronavirus dartiis

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor waraaq ‘cafis fidin ah’ u gudbiyey Hay’addaha garsoorka Somaliland, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta.

Waraaqdaasi ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Talo bixin kaga codsaday Hay’addahaasi Maxaabiista uu rabo in uu cafiska u fidiyo, oo tiradoodu dhan tahay 800-Maxbuusa, kuwaasi oo dambiyada fudud u xiran.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa talaabada ku hogaaminaya Xukuumadiisa sidii looga hortagi lahaa in cudurka halista ah ee Coronavirus uu ku faafo, maadama la ogyahay in Maxaabiista iyo Jeelasho kala badan-yihiin.

Biixi ayaa si gaar ah uga reebay Cafiska Maxaabiista u xidh-xidhan Kiisas waaweyn, sida kuwa u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la culeyska ah.

Waxeyna Ciidamada Asluubta oo ka duulaya arrinkaasi maalintii Khamiistii u gudbiyeen Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista uu Madaxweynuhu cafiska u fidinayo iyo weliba waxyaabaha ay u xiran yihiin.

Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo boqolaalka Maxbuus, si looga hortaga faafista cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.