Maxay tahay sababta diideysa in xildhibaanada lagu cadaadiyo kulamada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay waxyaabaha soo cel-celiyey in kulamada baarlamaanka ay u baaqdaan kooram la’aan, ama in xildhibaanadu ay soo xaadiri waayaan.

Aadan Madoobe ayaa sababta u diideysa in xildhibaanadu ay ku cadaadiyaan fadhiyada Golaha Shacabka ay tahay in aysan laheyn gunno ay qaataan, si loola xisaabtamo.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa xusay in arrintaasi ay ka shaqeyn doonaan, isla-markaana ay ku dadaali doonaan in xubnuhu ay helaan gunnooyin, sida uu dhigayo xeerhoosaadka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kadib xildhibaanka lagula xisaabtamu doono, hadii uu fasax la’aan ka maqnaado kulamada caadiga ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Xildhibaannadu malaha gunno fadhi, gunno gaadiid & Caafimaad oo xeer hoosaadka ugu qoran, Baarlamaanka cusub waan kawada hadalnay in la dedaallo inta la awoodo si loo helo inkasta oo uu waddanka uu yahay dal dhaqaalihiisa iska burburay balse waa lagama maarnaan in la helo si shaqadooda u gutaan Xildhibaannada” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Waxa kale oo uu intaas guddoomiyuhu sii raaciyey “Sida Mushaarka caadiga ah loo helo ayaa lagu helayaa lacagta, badnaan shardi ma aha, xildhibaannada sababta uu gunnada ugu baahanayo ayaa ah in marka uu safar caafimaad galo ama deegaankiisa dib ugu laabto, mana aha in haddii la waayo in fadhiyada u baaqanayaan, meelaha ay ka imaanayaan lacagahaas waa dakhliga Dowladda soo galo iyo Kaalmada la siiyo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo iyadoo todoobadyadii lasoo dhaafay dhowr kulan  ay u baaqdeen, sababo la xiriira kooram la’aanta fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.