25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maxay tahay sababta hal mar xabsiga loo dhigay odayaal dhaqameed hal beel kasoo jeeda?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarig magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan loogu geystay Odayaal dhaqameed hal beel kasoo waxa jeeda.

Amar kasoo baxay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu xiray odayaal dhaqameed kasoo jeeda Hal beel oo degta deegaanada gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Wararka waxay sheegayaan in guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka hor amarta inta uusan bixin inuu iskugu yeeray odayaasha uuna ku wargeliyay inay soo qabtaan askari todobaad ka hor qof shacab ah ku dilay magaalada Beledweyne.

Nabadoon Axmed Xasan Cali ayaa sheegay in odayaasha ay ugu jawaabeen in askariga qoriga uu shacabka ku dilay in maamulka uu gacanta u geliyay islamarkaana soo qabashadiisa maamulka laga doonayo.

Inka badan 10 oday dhaqameed oo uu la kulmay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa lagu xiray saldhiga booliska ee magaalada Beledweyne, waxayna taasi dhalisay in amarkii ay diideen jawaab looga dhigo xabsiga.

Nabadoon Axmed Xasan, ayaa ku baaqay in Madaxda Dowladda Dhexe laga gaarsiiyo in waxa uu ugu yeeray dooxa ay ka jirto Gobolkaasi Hiiraan.

Caasimada Online
xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News