Xog: Maxaa sabab u ah in xubnihii ay DF xilka ka qaaday isu rogaan mucaarad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa labadii bil ee ugu danbeysay waday xil ka qaadis iyo bedel lagu sameynaayo Mas’uuliyiinta xilalka kala duwan ka hayay DFS.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay sheegay in dowlada Federaalka uu ku sameyn doono isbedel muuqda oo saameyn doona dhammaan min Villa Somalia ilaa Xarumaha dowlada.

Mas’uuliyiinta ku baxay Isbedelka oo ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Mahad Salaad ayaa waayadaani dhaliilo kala duwan u jeedinaayay dowlada Somalia kadib markii ay waayen xilalka ay u hayeen dowlada.

Dhaliilaha labada Mas’uul iyo mas’uuliyiin kale oo dhowr ah ayaa salka ku haya howlaha shaqo oo ay wado dowlada, waxa ayna warbaahinta u mariyaan in DFS ay hoos uga sii dhaceyso dadaalka loo igmaday.

Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ugu danbeeyay shaqsiyaadka dhaliila DFS, ayaa sheegay in dowladu aysan gacan ku heyn Ciidamada Qaranka, isla markaana ay yihiin kuwo ka tallo qaata dowladaha Shisheeye.

C/risaaq waxa uu sheegay in ciidanka Imaaraadka uu tababaray aysan ka amar qaadan Taliska xooga dalka isla markaana ay yihiin kuwo si toosa ay u maamusho dowlada Imaaraadka, hayeeshee taa ay tahay mid hoos u dhigeysa sumcada dowlada.

Wuxuu sheegay arintaasi inay tahay mid caqabad ah oo loo baahan yahay in laga gudbo, maadaama ciidanka ay yihiin kuwa Somali ah, loona baahan yahay taliska ciidanka Xooga inay ka amar qaataan.

Waxa uu sheegay in Ciidamada qaar aysan aqoon u laheyn DFS marba haddii aysan ka amarqaadaneynin Talisyada loogu tallo galay inay hoostagaan.

Waxa uu intaa raaciyay in DFS aysan heysan ciidamo sax ah maadaama dowlad waliba ay diiday in ciidamada ay Somalia u tababartay lagu biiriyo kuwa dowlada ka amarqaata, waxa ayna su’aashu tahay sababta uu Wasiirkii hore ee Amniga arrintaani wax uga qaban waayay mudada uu xilka hayay?

Sidoo kale, Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Mahad Salaad ayaa isna muddo laba jeer ah dhaliilay dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii uu si sahlan ku waayay xilka uu hayay.

Mahad Salaad oo ku fiican dhanka qormooyinka ayaa si xoogan u dhaliilay dowlada Somalia, halka uu markii hore ka ahaa mid amaan kala duldhici jiray dowladii uu xilka u hayay, waxa ayna tani muujineysaa xushmad la’aanta ay Madaxdu kula kacaan dowlada marka ay waayan xilkooda.

Qoraal uu sameeyay dhawaan ayuu ku sheegay in dowlada Somalia ay burburineyso jiritaanka Ciidamada Xoogga, isagoo sheegay in Ahmiyada Shirka London uu yahay mid lagu baabi’inaayo Ciidamada Xoogga Somalia oo dhowr sano lagu guda jiray dhismahooda.

Mahad Salaad oo kamid ah Xisbigii talada dalka laga tuuray ayaa iminka u muuqanaaya mid u tafa-xeedanaaya is hortaaga dowlada Somalia isagoo adeegsanaaya qormooyin midba midka kale ka kulul.

Haddaba dhaliilaha shaqsiyaadka laga qaada xilalka ayaa waxaa u sabab ah carro ka dhalatay xilka laga qaaday waxa ayna ku han weyn yihiin inay sii hayaan xilalka inta ka harsan qiyaamaha, iyagoo ilaaway in isbedelka noocaani ah uu yahay mid ka jira caalamka oo idil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com