Xog: 2 arrin oo sabab u ah in dib loo soo celiyo taliye Cali Gaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Xersi Barre Cali Gaab ayaa dib loogu soo celiyay taliska ciidamada ilaalada nabadd galyada waddooyinka Muqdisho, kadib markii horey xilkaasi looga qaaday.

Labo arin ayaa sahashay in markale xilka lagu soo celiyo taliyaha ilaalada waddooyinka Cali Xersi Barre Gaab, waxaana uu dib kaga shaqo bilaabay Muqdisho.

Arinta koowaad ee sahashay ayaa aheyd in ku xigeenkii taliyihii hore ee ilaalada waddooyinka loo dhiibay xilkan, balse wuu kasoo bixi waayay taasi oo fududeysay in Mr Cali Gaab si KMG ah xilka loogu dhiibo.

Dhinaca arinta labaad ee sahashay in Cali Xilkan loo dhiibo ayaa aheyd in Sareeyo Guuto Cali Maxamed Cali taliyihii hore ee ilaalada waddooyinka uu loo qaaday caafimaad dalka dibadiisa ah maadaama uu xanuunsanayo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sareeyo Guuto Cali Maxamed Cali lagu sameeyay Qaliin dhanka qanjiraha ah, oo uu ka xanuunsayay sida ay nala wadaageen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ilaalada.

Cali Xersi Barre Cali Gaab ayaa hadda la filayaa in si toos ah xilkaan loogu wareejiyo maadaama Sareeyo Guuto Cali Maxamed Cali uu xanuun soo wajahay islamarkaana uu yahay qof da’ ah.

Dowladda Farmaajo ayaa xilal kala duwan ka qaaday madaxda iyo saraakiisha ciidamada waxaana ay arintaan ka mid noqoneysaa arin aad loo hadal haya muddooyinkii ugu dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com