Safiirka Turkiga oo la kulmay musharax doonaya xilka madaxweynaga Galmudug (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa la kulmay musharax madaxweyne oo doonaya inuu noqdaa madaxweynaha maamulka Galmudug.

Musharax Madaxweyne Axmed Shariif ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga ee dalka SOomaaliya, isagoo balanqaad ka helay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Musharaxa ayaa la wadaagay safiirka Turkiga waxyaabaha uu doonayo in laga qabto deegaanada Galmudug haddii uu ku guuleysto doorashada ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Safiirka ayaa dhankiisa sheegay inay taageerayaan Musharax Axmed Shariif oo doonaya inuu noqdaa madaxweynaha Badalaya C/kariin Xuseen Guuleed oo horey isaga casilay xilka madaxweynaha Galmudug kadib xanuuno soo wajahay.

Waxaa muuqaneyso in Turkiga durba uu xulafeyso la sameynayo shaqsiyaadka loo hadal hayo inay noqon karaan madaxweynaha Galmudug, si ay xiriir dhow ula yeeshaan.

HOos ka daawo sawirada