Xog: Ciidamada Itoobiya ee Baydhaba oo loo diiday inay soo dhaweeyaan Farmaajo

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

Waxaana Madaxweynaha Salan Sharaf uu ka guddoomiyaha Ciidamada Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa loo diiday inay kamid noqdaan Ciidamada soo dhawenayo Madaxweynaha, maadaama horey ay caado u aheyd in Madaxda imaaneyso Baydhabo ay salaan sharaf ka guddoomaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.

Ilaa hadda la ogo sababta keentay in Ciidamada Itoobiya loo diido inay ka qeyb noqdaan soo dhaweynta Madaxweynaha, iyo haddii uu isaga sidaas codsaday.

Wixii faahfaahin ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com