Xog ku saabsan heshiiska dhex maray DF iyo ganacsatada qaadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan heshiish dhex maray dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada qaadka soo dajiso.

Labada dhinac ayaa yeeshay Kulamo badan oo wadatashi ah, waxaana ugu dambeyntii la isku af gartay in lasoo gabagabeeyo khilaafka keenay inuu qaadka ka dago Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulk Hirshabelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in dib uga noqoto canshuurta dheeriga aheyd oo ay dul saartay Qaadka, waxaana la isku afgartay in  Marduufka Qaadka ah lagu canshuuro 43,000 oo Shilin Somali ah, waxaana meesha laga saaray 10,000 ee shilin Somalia ah eewasiirka cusub ee Maaliyadda uu dhowaan ku kordhisay canshuurta Qaadka, midaas oo keentay inay ganacsatada ka biyo diidaan.

Markii canshuurta lagu kordhiyey ganacsatada ayaa go’aansaday inay qaadka kasoo dajistaan Magaalada Jowhar oo ay la heleen ballan qaad ah in lagu canshuuri doono lacag aad uga yar midda Muqdisho.

Diyaaradaha qaadka ee Jowhar ka dagay ayaa khilaaf ka dhex dhaliyey dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle, iyadoo madaxweyne Cosoble uu sheegay inaysan yeeleyn in cunaqabateyn la saaro jaadka kasoo dagayo Jowhar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com