Wasiirkii hore ee amniga oo sheegay halista ciidamada ay Imaaraadka tababareen

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirkii hore ee amniga dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka dhawaajiyey halis ka dhalatay ciidamadii ay tababarka siiyeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey inaysan Ciidamadaas ka amar qaaday taliska Ciidamada Soomaaliyeed midaas oo ah halis weyn oo soo wajahday Soomaaliya.

Wuxuu ka dhawaajiyey inay ciidamadaas ku lug yeesheen isku dhac dhex maray ciidamada Maamulka iyo nabadsugidda, isagoo ku dhaleeceyey inaysan daacad u aheyn dowladda Soomaaliyed.

” Ciidamada Imaaraadka xero ciidamada lagu tababaro ayey Muqdisho ku leeyihiin, waxaana kasoo baxay ciidamo badan, balse kama amar qaataan taliska Ciidamada Xoogga, waxaa jiray isku dhac dhex maray Iyaga, Ciidamada Booliska iyo nabad sugidda” ayuu yiri wasiirkii hore.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Ciidamada ay tababareen Mareekanka ee NISA sida Gaashaan iyo Danab ay iyagana amar ka qaataan dowladda Mareekanka, markii looga baahdo howlgal waxaa qasab ah in lala xiriiro saraakiishooda ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan uu dagaal culus dhex maray  Ciidamada ay tababareen Imaaraadka iyo ciidamada Nabadsugidda, waxaana dagaalkaas ku adkaaday ciidamada ay Imaaraadka tababareen oo degan meel u dhaw warshaddii Caanaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com