Maxaa kala soctaa qorshaha ugu weyn ee Farmaajo u gaaray Baydhaba?

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

Waxaana Madaxweynaha Salan Sharaf uu ka guddoomiyaha Ciidamada Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya in magaalada Beydhabo uu kulan Khaasa kula qaadan doono wafdi ka socda dowlada Ethiopia oo iminka gaaray magaalada Baydhabi, waxaana wafdiga kamid ah Diplumaasiyiin iyo Saraakiil.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Farmaajo ayaa la sheegay inuu yahay kulanka khaaska ah ee uu la qaadan doono mas’uuliyiinta ka socta dowlada Ethiopia, balse waxaa kulankaasi lagu qarinayaa kulan uu la qaadan doono maamulka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka doorbiday tagitaankiisa magaalada Addis Ababa in kulanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo oo ay ku badan yihiin Ethiopian-ka.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Ethiopia ayaa dabooleysa kulanka Farmaajo ee Diplumaasiyiinta Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com