Maxay tahay sababta keentay inay dib u dhacdo ku dhawaaqistii golaha wasiirada ee Caawa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa la filayey in si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada ee uu diyaariyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre balse midaas ma dhicin dib ayey u dhacday.

Golaha wasiirada ayaa la filayey in dhawaaqo fiidnimadii caawa aheyd balse waxaa dib u dhacday magacaabistaan.

Sababta ay dib ugu dhacday magacaabista ayaa lagu sheegay inay tahay culeyska ka jirto magacaabista shaqsiyaad iyo xilalka ugu muhiimsan iyo wasaaradaha loo yaqaan (A) oo ay ka mid yihiin  : Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga oo ah seddexda Wasaaradood ee ugu saameynta badan dowladda

Dhawaaqista ayaa la sheegay inay dib u dhacday iyadoo laga yaabo in lasoo magacaabo asbuuca soo socdo gaar ahaan maalmaha ay taariikh ku beegan tahay 21 March, 22 March iyo 23 March.

Wasiirada ayaa la filayaa inay noqdaan ku dhawaad 30 wasiir, 30 ku xigeyn iyo 10 wasiirul Dowlayaal, waxaana mar kale golaha wasiirada kasoo muuqan doono wasaarado la yaabay waqtiyadii dambe sida  Dalxiiska, Deegaanka, Dib u heshiisiinta iyo kuwa kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku loolamayaan shakhsiyaad hore Wasiirro u ahaa iyo diblomaasiyiin ayaa dad badan ay eegayaan qofka loo huwin doono, halkas Warar soo baxay ayaa sheegaya in Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ay ku loolamayaan Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday.  Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday.  Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer),  Safiir kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ee dalka Algeria Dr. Xasan Maxamuud Cali iyo shakhsiyaad kale.

Sidoo kale waxaa la rajeenayaa in wasaaradaha maaliyadda iyo Gaashaandhigga loo magacaabo shaqsiyaad cusub oo aan horey xilal uga soo qaban dowladda si loola dagaalamo musuq maasuqa sidoo kalana la xoojiyo awoodda ciidamada Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21 March ku amba bixi doono Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo la filayo inuu kaga qeybgalo shirka ay yeelanayaan dowladaha IGAD oo looga hadli doono Arrimaha        xaqootiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com