26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Maxay tahay sababta loo xiray xildhibaan Dhakool?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay xabsiga u dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Dhakool ayaa la sheegay inuu kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool, waxaana gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland.

Xidhibaanka ayaa la sheegay in loo xiray sabab yaab leh, waxaana ciidamada ay xabsiga dhigeen kadib markii uu maalinta 18 May ku tilmaamay inaysan Somaliland u aheyn maalin qaran.

Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay iyadoo xasaanadda uu leeyahay lagu ixtiraamin, waxaana la ogeyn waxa ku xigi doona talaabada xeritaankiisa.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland,sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay caburin u arkaan xariga xildhibaan Dhakool.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan sababaha xariga xildhibaanka iyo waxyaabaha laga yeelayo.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News