Jubbaland oo ku eedeysay DF inay mas’uul ka tahay dhacadi garoonka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay qal-qal gelineyso ammaanka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo, islamarkaana ay ka waddoo faro-gelin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii shalay ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday.

Is-rasaaseyntaas ayaa waxay dhex-martay ciidamada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharax Cabdi Nasir Seeraar, oo ka mid ah musharaxiinta la loolameysa Axmed Madoobe.

Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda musharaxiinta.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada JJubbalan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo ayaa sidoo kale la sheegay inay buuq ka abuurtay shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada, kadib markii Axmed Madoobe uu madaxda dowladda ku eedeeyey inay soo direen Seeraar.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuusan ka qeyb-galin kulankii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay Garoowe.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka