Somaliland oo si kulul u beenisay arrin dowladda ITOOBIYA ay ku eedeysay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay arrin ay maamulka Soomaalida Itoobiya ka baahiyen Tv-ga dowladooda.
Somaliland ayaa beenisay Rasaas tiro badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu sheegay in lagu qabtay Degmada Wajaale, in laga soo iibsaday Somaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac) oo maanta xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlayey ayaa waxa uu beeniyey in Rasaasta laga iibsaday gudaha Somaliland, isagoona sheegay inay tahay arrin been abuur ah oo laga dhex samaynayo Somaliland iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “War ka baxay Tv-ga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay Rasaas lagu qabtay Daanta Shishe ee Wajaale ee ay Maamusho Itoobiya, Rasaastasi oo ahayd 3,000-Xabo, taasi oo ay ku soo bandhigeen Tv-ga. Waraysi uu halkaa ka bixiyey kornaylka ka hadlayey Jigjiga, Dadkii lagu soo qabtayna waxay sheegeen buu yiri waxaanu ka soo iibsanay Wajaale, Daanta Somaliland”.
“Annagu waxaanu mar walba ka shaqaynaynaa sidii loo ilaalin lahaa Nabad-galyada xuduudka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobya. Markii Rabshaduhu ka socdeen Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo hoggaanka kale ay wadeen hawlihii dib loogu soo celinayey Nabadgalyada deegaannada Soomaalida Itoobiya, Annagu qayb libaax ayaanu ka qaadanay haddaanu nahay Somaliland, annaga oo qabanay oo u celinay Lacag iyo Baabuur badan”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Nama qabato in la yiraahdo Somaliland baa laga soo iibiyey rasaastaa, waxay ahayd Dawladuhu xog bay wadaagaane in Ciddii laga soo iibiyey iyo Ciddii gacanta ku haysay la helo ayay ahayd, laakiin waa laga qurux badan yahay in Idaacadda uun laga sheego. Annagu ma qabno in Somaliland ka timid Rasaastaasi, waxaanu qabnaa inay tahay been abuur laga samaynayo labada Waddan”.
Dhowaan unbey aheyd markii Ciidammada Amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Telefishanka Maamulkooda ka sheegen in Rasaas gaareysa 3,000-Xabo oo laga soo gatay gudaha Somaliland lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan daanta Itoobiya Maamusho.
Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa