Caafimaadka iyo mucjisada soomka Ibo-furkii Prof. Yoshinori Ohsum

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Mahadnaqu Allah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena denbi-dhaaf, iyo  tobanka danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta.

Haddaba, 2016, Professor Yoshinori Ohsumi (Japan), waxaa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga Sayniska. Waxaana uu ku mutaystay xeeldheerida aqoonta fisiyoolojiga (physiology) ee lagu lafo-guro hawlgalka unugyada jidhka. Weliba isagoo ku sii talax tegay waaxda (Autophagy) ee Isa-saxar-tirka Jidhka“.

Billadda Nobel ee lagu ladho magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa tan ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugga lamaha kala duwan ee cilmiga. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadhaan heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigaan cilmi-baadhis qotto dheer, si ay u daah-furaan aqoon cusub oo waxtar ah.

Sidaa awgeed, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu in uu jidhka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay, kuwa sadhoobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. Cilmi baadhistu waxaa ay soo bandhigtay qadoodiga ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa.

Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub oo ibo-furtay qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jidhku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood.

Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa, waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay, soomka bisha Ramadaan. Qofkii awoodaana in uu ku daro maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee sunnaha ah. Ugu danbeyntii, baadhista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jidhka bado wahsi, kuna keydiyo hadhaa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah.

Prof. Yoshinori markii uu ka bogtay hidde-sidayaasha unugyada, kana faraxashay barashada jaan-tuska iyo qaabdhiskooda waxaa uu garowsaday qadoodigu in uu sal u yahay sida unugyadu isu nadiifiyaan. Sannadkii 1992 waxaa uu daabacay buug uu ku shaaciyay aqoonta uu dunida ku soo kordhiyay. Waxaana uu caddeeyay, “dadku in aanay tamar-dhigin xilliga ay afxidhan yahiin, balse, waxaa soomka uga sii kordha firfircooni dheeraad ah”.

Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxar-tirka Jidhka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) in uu jidhku ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar.

Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay.

Durba waxaa xusuusteenna ku soo dhacaya xadiiskii Rasuulka (NNKHA) ee macnahiisu ahaa. “caloosha in saddex meelood loo qaybiyo, meel cuntada lagu rido, meelna cabidda, meelna loo dhaafo hawada si looga neefsado”.  Soomka waxaa innoga horreeyay ummaddihii ay kutubtu ku soo degtay sida Tawraat (Yuhuud) iyo Injiil (Kiristaan). “Kuwa Xaqa Rumeeyow, Waxaa La Idinku Waajibiyey Soomka Sidii Loogu Waajibiyay Kuwii Idinka Horreeyey, Si Aad U Dhowrsataan.” Al Baqarah, aayadda 183.

Sidoo kale, waxaa sooma dad badan oo haysta caqiidooyin anbad ah. Wadaadada Budhistaha (monks) wax cunto ah afka ma ay geliyaan inta u dhexaysa hadhimada ilaa waagu ka beryaayo. Sidaa darteed, ayay uga siman yahiin muuqaalka “firfircooni iyo weyd caafimaad qabta”.

Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaadhka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.”

“Caruurnimadii wax badan ayaan ku hammiyay abaalmarinta Nobel. Hase ahaatee, markii aan baadhista gudo galay, waxaa aan dib u laqay candhuuftaydii,” ayuu Yoshinori u sheegay warsidaha Guardian. “Markaan arkay yoolka loo tartamayo, ma filayn, in aan hanan karo, balse, waxaa iga go’nayd in aanan ka daalin baadhista”.

Si kastaba ha ahaatee, aqoontu Allah ayay u sugnaatay Waxaana liibaanay qofkii u dheereeya fulinta waxii Allah uu faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Ogow, haddii ay soo xaqiijiso aqoonta gaaban ee aadamahu iyo haddii ay ka gaabisoba, wax kastoo diintu innagu waajibisay   waxaa ku jirta danteenna, if iyo aakhiroba.

Xassan Cumar Horri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID, waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania.