Shirka Garoowe oo qarka u saaran burbur iyo Axmed Madoobe oo ka carrooday

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo madax goboleedyada, ayaa qarka u saaran bur-bur kadib markii shalay uu meel xun gaaray, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo oo ay isku rasaaseeyeen ciidamada Jubaland iyo kuwa musharax Cabdi Naasir Seeraar ay si xooggan u saameysay shirka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aad uga carooday falkaas islamarkaana uu madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay soo direen Seeraar, si uu qal-qal uga abuuro Jubaland.

Shirka oo shalay buuq ku dhammaaday ayaa qorshuhu ahaa in xalay afurka kadib la isku soo laabto, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inuusan dhicin kadib markii Axmed Madoobe uu iman waayey.

Xiisadda cusub ee Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa uga sii dartay shirka oo markii horeba ay hareesay xiisadda madaxweynaha Galmudug iyo dowladda federaalka, oo maalmihii uu shirka uu socday oo dhan laga hadlayey.

Waxaa la ballansan yahay in maanta mar kale la isku laabto, balse ma cadda sida wax noqon doonaan, waxaana la hubin in Axmed Madoobe shirka iman doono iyo in kale, taasi oo haddii ay dhacdo inuusan iman ay u badan tahay in mar kale shirka baaqdo.

Cabdi Naasir Seeraar, oo horey ugu dhowaan jiray Axmed Madoobe, haddana musharax ah ayaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, taasi oo aad uga carreysiisay Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com