Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalkii lagu xiray xildhibaan DHAKOOL

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koor ayaa isaga oo ku sugan Deegaanada Dawlad Deegaanka Somalida, ka jawaabay hadal kasoo baxay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo la xiriiray 18 May Iyo Xuskeeda.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland sanadihii ugu dambeeyay ay u dabaal dageysay xuska maalintaasi, islamarkaana aysan jirin cid hadda diidi karta xuska maalinta xoriyadda Somaliland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax lala yaabo tahay in ruux ku sugnaa degaanada Somaliland uu iska dhego tiraa xuska maalinta Xorriyadda Somaliland.

“Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?” ayuu yiri Wasiir Koore.

“Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May”

“Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray Saleebaan Cali Koore .

Hadda waxaa xabsiga arintaasi loo dhigay xildhibaan Dhakool oo kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@Live.com