Maxay tahay sababta soo dadajisay shaqo joojinta lagu sameeyey Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), sidoo kalena mar soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Gaas ayaa ugu horreyn taageeray, soona dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugiDda iyo sidroonka qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta soo dadajisay shaqo joojinta inay tahay jawaabta dhabta ah ee lagu waayey agaasimaha hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan uu sidoo kale yahay midka ugu fudud, isla-markaana aysan jirin doorasho kale.

“Jawaabta Agaasimaha nabad sugidda ayaa soo dedejisay shaqo joojinta, waa go’aanka ugu fudud oo aan doorasho kale lahayn ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu, inta xaaladdu iska bedeleyso wuu ku saxnaa tallaabadaas” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay aheyd in marka hore Fahad Yaasiin uu xogta la wadaago ra’iisul wasaaraha, si xal loogu helo kiiska Ikraan, xiisaddana loo qaboojiyo.

“Waxyaabaha keenay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waa jawaabta dhabta ahayd oo uu waayay, Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda waxa ay ahayd in macluumaadka uu la wadaago,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo ka dalbaday in xiisadda uusan uga sii darin, inta ay xaaladda iska bedaleyso, maadaama haatan lagu jiro xilli kala guur ah iyo doorashooyin.

“Madaxweynaha haddii uu talo dhageysanayo in uusan baasiin ku sii daarin, inta xaaladda si kale isku bedeleyso in uu dejiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Gaas.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya ayaa u muuqdo mid sii xoogeysanaya, waxaana haatan xaaladdu ay taagan tahay meeshii ay ugu adkeyd.