Sheekh Shariif oo dhaleeceyn xooggan kala kulmay qoraal uu soo dhigay Facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay qoraal uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

Sheekh Shariif ayaa qoraalka uu soo dhigay Facebook wuxuu kaga hadlayey heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska la xiriira arrimaha doorashada ee ay maanta gaareen Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland). Waa tallaabo mudan hambalyeyn iyo bogaadin iyadoo waqtina aan ku bixinnay sidii xal waara looga gaari lahaa kala duwanaanshihii u dhaxeeyey,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa cambaareyn xoog leh kala kulmay qaar ka tirsan shacabkii ra’iyiga ka dhiibtay qoraalkaas, kuwaas oo ku eedeeyey inuu ka aamusay kiiska Ikraan Tahliil oo ah mid ay ka hadleen inta badan siyaasiyiinta musharixiinta ah.

Dadka ra’yiga ama commentiyada ka dhiibtay qoraalkaas ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, oo weli xiligaas ahaa agaasimaha NISA, balse xalay laga qaaday, sidaas darteedna uu kiiska uga aamusay.

“Shariifoow Fahad boqor hakaa dhigo, ujeedkaagu garanay ee nama gaadid markale” ayuu ra’yi ahaan u dhiibtay qof ay Facebook ugu qoran tahay Saadak Jannaaw oo kamid ah dadkii ka hadlay qoraalka uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook.

Khaled M Moallim oo isna kamid ah dadka ra’yiga ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa yiri, “Farmaajo iyo Shariif, Fahad ayaa wata Soomaalaay wax fahma odayga Shariif ah wuu fashilmay khalaas.

Qof kale oo ay Facebook ugu qoran tahay Zacky Mohamed ayaa isna yiri, “Sheikh Shariifow heshiiska doorashada waad lasoo oroday adigoo bogaadinaa, balse arinta dilka Ikraan waad ka aamustay, aad iyo aad ayaan uga xumahay adigoo madaxweyne soo maray nagu dhahay, waxaan u hadlaa dhibanayaasha in aad maanta ka mustay. Shariifow, Fahad boqor haakaa dhigo. anaga nalama gaadi karo markaan, Ikraana cadaalad way hili doontaa.”

Qof kale oo Facebook kusoo gala magaca Qamar Abdulahi Adoontii Alle ayaa isna yiri, “Shiikhoow Arinkii Ikraan maxaad uga gaabsatay, Misa Fahad baa boqor kaa dhigaya baad istiri hhh #kubaranay baraadar.”

Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa ah kuwa tiro badan oo aan warbixintaan lagu soo koobi karin, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen muujinta tuhunka ah in Sheekh Shariif uu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, sidaasna uu uga gaabsaday inuu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo siyaasiyiinta oo dhan ay ka hadleen.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dadka aragtida ka dhiibanayey qoraalka Sheekh Shariif aysan ka hadleyn oo aysan waxaba ka soo qaadin qoraalkiisa uu uga hadklaayey heshiiska siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxayna dadku qeybta comentiga ku gorfeynayaan saababta uu Sheekh Shariif uga aamusay kiiska Ikraan oo maalmahaan cirka ku shareernaa.