Xog: Cali Guudlaawe oo laba hanjabaad la duli dhigay iyo Jowhar oo cabsi wajaheysa

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wajahayo culeyso uga imanaya qabiilada iyo Villa Somalia. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiil ka socota Madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadiyeen in uu liiska murashaxiinta Aqalka Sare ku daro xubno ay wadato oo qaarkood la tartami doono Senator Muuse Suudi Yalaxow, taasi oo uu ogolaaday.

Si kastaba, Guudlaawe ayaa dhinaca kale waxaa saraakiil ciidan iyo odoyaal dhaqan oo ka mid ah beelaha Shabeellada Dhexe ay ku cadaadinayaan inuu u xiro kuraasta qaar. 

Dad ka agdhow Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle ayaa noo sheegay in Cali Guudlaawe uu isku dayayo in uu qanciyo labada dhinaca, balse uu saaran yahay culeys badan oo aan la ogeyn sida uu ku xalin doono. 

Xubno kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Shabeellada Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in Jowhar aan nabad lagu joogi doonin haddii aan dib loo dooran Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Saraakiisha hanjabada jeedinaya ayaa ka tirsan kuwii hogaaminayay ciidankii ku sugnaa Waqooyiga Muqdisho ee Badbaado Qaran, iyagoo muddo saldhig ka dhigtay guriga Senator-ka intii ay socdeen qalalaasihii ka dhashay arrimaha doorashada. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in qof kasta oo sharuudaha soo buuxiya uu ku soo bixi doono liiska Aqalka Sare, taasoo shaki gelisay murashaxiinta qaar oo aaminsan in baarlamaanka HirShabeelle ku xiran yihiin Madaxweyne Farmaajo, oo ay dhici karto in dadka uu wato ay soo doortaan.

Guudlaawe waa madaxweyne goboleedka kaliya ee aan soo gudbin liiska musharaxiinta, isaga oo ay hareeyeen cabsida uu ka qabo Villa Somalia iyo beelaha awoodda leh ee gobolka, taasi oo muujineysa heerka hoggaan xumadiisa.