Maxay tahay sababta uu madaxweyne Farmaajo uga aamusay dilka AFRIKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka aamusay, oo aan weli ka hadal geerida weriye Cabdicasiis Afrika oo ahaa weriye qaran, oo naftiisa u huray difaaca dowladnimada Soomaaliya.

Geerida Afrika, oo ahaa agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa waxaa xalay ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maantana ka qeyb-galay salaaddii Janaasada ee lagula tukaday Masjid ku yaalla Villa Somalia.

Hase yeeshee dad badan ayey layaab ku noqotay in madaxweynaha uusan soo hadal qaadin dilka weriyaha, halka uu bayaan uu maanta soo saaray ugu hambalyeeyey macallimiinta Soomaaliyeed maalinta macallinka ee 21-ka November.

Afrika ma ahan weriye caadi ah. Wuxuu ahaa weriye dagaal toos ah la galay kooxda Al-Shabaab, waxaana taas caddeyn ugu filan sida Al-Shabaab ay sanado badan u raadinayeen inay ka takhalusaan.

Qoraal xalay kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Maxay tahay sababta Farmaajo uga aamusay dilka weriyaha?

Su’aashaas waxaa ka jawaabi kara kaliya Farmaajo, hase yeeshee haddii ay jirto hal arrin oo ay u badan tahay ayaa ah go’aankii madaxweyne Farmaajo looga mamnuucay warbaahinta dowladda, xilligi ay is-hayeen ra’iisul wasaare Rooble.

Afrika oo ahaa agaasimaha Radio Muqdisho ayaa si la mid Taleefishinka Qaranka wuxuu bogagga Radio Muqdisho ka joojiyey qoraallada Farmaajo. 

Sida muuqata, Afrika waxaa ka sarreeya oo uu ku shaqeynayey amarka wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, waxaana la rumeysan yahay in go’aankaas uu ka yimid isaga iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo aad ugu xiran ra’iisul wasaare Rooble.

Xitaa haddii go’aanku ka iman lahaa Afrika, maanta waa nin naga hoos maray, waxayna aheyd in madaxweynuhu iska hilmaamo, iskana cafiyo una duceeyo, uuna fahmo in siyaasadda oo la isku qabto aysan ka dhigneyn naceyb shaqsi ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xuntaa qof cuqdad iyo aargoosi badan, waxaana go’aanka uu uga aamusay dilka Afrika ay soo xoojineysaa middaas.