Maxkamadda ciidamada oo shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Cabdullahi Buulle Kameey, oo ah Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey natiijo hordhac ah oo ku aadan baarista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in Guddiga baarista oo ka kooban xeer ilaaliyaha guud, ku-xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan NISA ay marka hore go’aamiyeen in dib loo wareysto dhamaan dadkii cabashada ay ka taalay xafiiska.

Jeneraal Kameey waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay la shaqeysay guddiga waday baarista iyada oo ka caawisay dhinac kasta oo baarista ah, sida uu hadalka u dhigay. 

Waxa uu intaas ku daray in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ku-simaha Taliyaha NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey iyo Cabdilaahi Kulane, oo horey uga tirsanaa hay’adda.

Xubnaha la baaray ayaa waxaa sidoo kale kamid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Wadna Qabad iyo sarkaalad magaceeda lagu sheegay Asma Yuusuf Cumar, kuwaasi oo

Jenraal Cabdullaahi Kameey ayaa sheegay in natiijadooda ay kasoo baxday:-

1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.
2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalada ku maqan tahay gacanta NISA.
3- Guddiga wuxuu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina codsaday in cid kasta oo warbixin ka heysa kiiska Ikraan Tahliil ay u soo gudbiyaan guddiga baarista, si loo gaaro xaqiiq dhameystiran oo cadaalada lagu horgeyn karo ciddii dhibtaas geysatay.