Sawirro: Bankiga Bushra Bussines Bank oo maanta laga daahfuray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga daah-furay Bankiga ganacsiga Bushra oo ah Banki cusub oo ku soo kordhay bankiyada ka jiray dalka.

Munaasabada furitaanka bankigan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray  Wasiiro, ganacsato, culumaa’udiin, haween, ganacsto iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Bushra Bussines Bank Maxamed Axmed Jaamac ayaa munaasabadan ka sheegay in furitaanka bankigan ay iska kaashadeen ganacsato Soomaaliyeed. isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey adeegyada uu bixin doono bankigan oo uu xusay in dhamaantood ay yihiin kuwo casri ah oo la jaanqaadaya bankiyada caalamka.

“Bankiga ganacsiga Bushra waa Bangi ka duwan bankiyadii horey uga jiray dalka, waxaa uu ku shaqeyn doonaa tiknolojiyada casriga ah, waxaana ujeedooyinka loo aasaasay ka mid ah horumarinta ganacsiga iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Maxamed Axmed Jaamac.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Somalia Jamaal Maxamed Xassan oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey furitaanka bankigan cusub oo uu sheegay inuu xoojinayo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa isna munaasabada ka sheegay in kororka bankiyada ka jira dalka ay muujineyso xawaaraha sare ee uu ku socdo kobaca dhaqaalaha, wuxuuna u rajeeyey bankiga cusub ee ganacsiga Bushra inuu kaalin wax ku ool ah ka qaato horumarinta iyo isku xirka ganacsiga dalka.

Wasiirka Ganacsiga xukuumada Somalia Khaliif Cabdi Cumar oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta bankiyadu kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha iyo sida loogu baahan yahay in loo dhiirigeliyo, wuxuuna kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco wax soo saarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran.

“Waxaan u hambalyeynayaa ganacsatada iska kaashaday furitaanka Bankiga ganacsiga Bushra oo runtii muujiyey geesinimo iyo biseyl la xiriira horumarinta dalkooda iyo dadkooda, waxaan idin rajeynayaa guul iyo inaad ka miro dhalisaan hadafkiina” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Khaliif Cabdi Cumar.

Munaasabadan oo ku soo gebabowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo dhiiragelin ka jeediyey, Xildhibaano, ganacsato ku hadlayey magacyada heyaddo iyo shirkado kala duwan iyo masuuliyiin kale.