Murashaxiin shaaciyey qorshe uu Qoor Qoor kursiga HOP67 ugu ‘boobayo’ sarkaal NISA ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyey inuu kursigaas u boobayo Sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Musharixiinta ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay mudada laba maalin ee loo qabtay iay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn.

Halkaan hoose ka akhriso war –saxaafadeedka oo dhameystiran

1- Waxaan ogaanay in madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo fulinaaya amarada shaqsiyaadkii dhistay uu damacsanyahay in uu kursiga HOP#67 u boobo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugidda qaranka kaas oo uu riixaayo Fahad Yaasiin asigoo u xareeynaaya ergo aan ka mid ahayn beesha kursiga leh ama si qaldan lagusoo xulay, arrinkaas oo baal marsan hanaankii doorashada 17 September 2020, 27 May 2021 ee lagu heshiiyay oo ay hogaamineeysay xukumadda ra’iisul wasaare Rooble

2- Waxaan sidoo kale ogaanay in sarkaalkaas xildhibaannimada loo boobaayo la rabo in loo qoro ergo aan sax ahayn oo uusan saxiixin nabadoonka saxiixaha ah ee beesha iska leh kursiga,taas oo iska horkeeni karta xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble iyo beelweeynta kursiga iska leh, khatarna gelin karta guud ahaan hanaanka doorasho ee dalka.

3- Waxaan diidanahay in iyadoo weli aan la qaban guddigii soo xuli lahaa ergada kursiga dooraneeysa, ergadiina aysan diyaar ahayn in musharaxiinta loo qabto 2 maalin gudahood in ay isku soo diiwaangeliyaan, taas oo waxgaradka beesha kursiga leh iyo musharaxiintu u arkeen in dedejinta isdiiwaan gelintooda lagu baneysanayo boob boobsiis ah oo ka dhan ah kursiga HOP#67 lana doonayo in erga aan sax aheyn beeshana u dhalan laga xareeysto Dhuusamareeb, maadaama odayaashii iyo ergadii saxda ahaa ay joogaan magaalada Muqdisho.

Waxaan ku baageeynaa arrimaha soo socda

1- In gudiga doorashda ee Galmudug uu ka digtoonaado xareynta odayaal iyo ergo aan sax aheyn oo aan ka imaan beesha kursigu ku astaysanyahay.

2- Waxaan ugu baaqeynaa gudiga doorashada heer Galmudug iyo heer federaal in ay ka digtoonaadaan ka qeyb noqoshada boobka ka dhanka ah bulshada iska leh kursigaas iyo kuraasta kale ee la midka ah, bilaabaan hannaan doorasho oo sax ah ayna ku qanci karaan bulshada iska leh kursiga iyo musharaxiinta u taagan ka qeeybgalka doorashada

3- Waxaan ugu baaqeeynaa madaxweynaha maamulka Galmudug in uu u madax banneeyo doorashada kursiga HOP#67 beesha iska leh kana daayo howlaha boobka ah ee uu asigu hormuudka u yahay.

4- In inta laga soo xulaaayo odayaalkii ama gudigii ergada xuli lahaa iyaguna ay kasoo xulayaan ergada wax dooran laheyd dib loo dhigo diiwaan gelinta musharaxiinta kursiga HOP#67.

5- Waxaan ugu baaqeynaa beesha iyo waxgaradka iska leh kurisigaan, beesha Waceysle iyo guud ahaan beelweynta Mudulood oo boobida kursigaani hordhac u yahay boobka kuraastooda dhiman in ay u kacaan difaacashada xaqoooda oo aan si karaama dil ah loo boobin kuraastooda isuguna yimaadaan kulamo arrinkaas looga hortagayo.

Magacyada musharaxiinta

1- Jeneral Cabdiraxman Tuuuryare
2- Axmed Nuur Sheekh Yuusuf
3- Cabdiraxman Axmed Cumar
4- Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed
5- Cismaan Xassan Ow-gaab