Maxay tahay tallaabada ay qaaday Ilhan Cumar ee ka horkeeni karto Joe Biden?

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadanka Maraykanka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka hor-keeni karto madaxweynaha dalkaasi, Joe Biden iyo xittaa afhayeenka golaha aqalka wakiillada, Nancy Pelosi.

Ilhan ayaa shaacisay inay dooneyso in cunaqabaten lagu soo rogo dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, iyada oo diyaarisay hindise sharciyeed la xiriira arrintaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee dadka iyo dalka Maraykanka.

“Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayey tiri.

Qorshaha ay wado Ilhan Cumar iyo tallaabada ay qaaday ayaa ah mid ka horkeeni karo madaxweyne Joe Biden iyo afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi, kuwaas oo aan horey uga hadlin sida laga yeelayo arrinta dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Si kastaba sirdoonka Mareynkanka ayaa todobaadkii hore baahiyey warbixin lagu sheegay in Maxmaed Bin Salman uu amray dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay Turkiga.