Maxay tahay arrinta maanta uu sameeyay madaxweyne XASAN Sheekh? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo maanta ku beegan.

Sanad kasta marka la gaaro 15-ka May ayaa la xusaa maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobonimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xuska  81-aad ee maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed aawgeed Ubax dhigay Taalada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.

Munaasabaddan waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taliyaha ciidanka Booliska Sulub Axmed Firin, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

SYL

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadaal lamid ah kan dhallinyarada ee Gobolada Koonfureed waxa uu ka dhacay Gobolada Woqooyi,kuwaas oo oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League), waxayna u howlgaleen raadinta midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.