Maxay tahay xiisadda salka ku haysaa Soomaaliya ee ka taagan dalka Turkiga?

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay lacagta kaalmada ah ee uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan dhowaan ugu deeqay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo gaareyso illaa 30 milyan oo Dollar.

Mucaaradka Turkiga ayaa ka carooday go’aanka madaxweynaha ee yabooha lacagtaasi, waxayna shaaca ka qaadeen in dalkooda aanu awoodin lacagtaas, maadaama ay haatan ka jiraan xaalado is biirsaday sida, dhaqaale xumo, Covid-19 & dabka ka holcaya wadankaasi.

Sidoo kale mucaaradka sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Erdogan ayaa xusay in xilligan dowladda Turkiga looga baahanyahay samatabixin, isla-markaana ay tahay inay soo iibsato qalabka dab-damiska, si looga hortego dabka ku sii baahaya meelaha qaar dalkaasi.

“Arrinta mudnaanta leh xilligan la joogo waa gudaha Turkiga waa in la iibsado qalabka dab damiska, si looga hortego dabka kasii socda meelaha qaar ee dalkaasi,” ayuu lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka xisbiga shacabka jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Kamal Oglu.

Sidoo kale afhayenka ayaa intaasi kusii daray “Dal aan heli karin 4 milyan oo Dollar oo ay ku iibsadaan diyaaradaha dab-damiska waxay go’aansadeen inay 30 milyan oo deeq ah siiyaan Soomaaliya,”.

Dhinaca kale mucaaradka dalka Turkiga ayaa isku xiriiriyey kaalmadan lacageed iyo shirkad ay leeyihiin qoyska wiilka uu Sodogga uu yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taas oo haatan maamusha, isla-markaana gacanta ku heysa dekedda weyn ee dalka Mauritania.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo todobaadkii hore dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 30 milyan oo Dollar, isla-markaana bil wabo dowladda federaalka ah la siinayo lacag gaareysa illaa 2.5 milyan oo Dollar, sida ku cad heshiiskaasi.