Sawirro: DIYAARAD sidday gaadiid dagaal oo ka degtay magaalada Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo noocyo kala duwan leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ku yaalla magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wasaaradda amniga HirShabelle oo faah faahin ka bixisay gaadiidkaasi ayaa sheegtay inay ka kooban yihiin shan gaari oo Cabdi Bile ah iyo afar Mooto nooca laba lugaaleyda ah, kuwaas oo ay tilmaamtay in ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkan ay isticmaali doonaan ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay wasaaraddu shaaca ka qaaday in gaadiidkan iyo mootooyinkaba ay fududeyn doonaan howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda HirShabelle.

Horay waxaa Beledweyne looga dajiyey baabuur cusub oo ah kuwa aan xabaddu karin oo la sheegay inay adeegsan doonaan mas’uuliyiinta doorashooyinka u tegaya magaaladaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli ay weli dood ka taagan tahay in doorasho lagu qabto Beledweyn, maadaama uu haatan dhaq-dhaqaaq ka wado Janaraalka hubeysan ee Xuud oo ciidamo badan ku heysto duleedka magaalada, kana soo horjeedo maamulka HirShabelle.