MIDOWGA AFRIKA oo dhex taagan fadeexad uu sababay shaqaale Ethiopian ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa Jimcihii sheegay inuu billaabay baaritaan kadib markii cinwaanka rasmiga ah ee ururka ee twitter-ka lagu weeraray Samantha Power, oo ah madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka, oo ku baaqday in wada-hadallo lagu dhammeeyo colaadda Ethiopia.

Power, oo booqatay Ethiopia bishan, ayaa dib usoo tweet gareysay tweet uu la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jack Sullivan ku baaqay “in dhammaan dhinacyada [Ethiopia] ay isugu yimaadaan miiska wada-xaajoodka.”

Power ayaa kadib qortay in xaaladda bani’aadaminimo ee Ethiopia “oo aad xun ay kasii dari doonto, haddii aysan dhammaan dhinacyada isku raacin wada-hadallo iyo in colaadda lasoo geba-gebeeyo.”

Cinwaanka Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay magaalada Addis-Ababa ayaa kadib ugu jawaabay Power si deg deg oo jees-jees ah. 

“Waxaad ula jeedaa soo maaha si la mid waqtigii aad la fariisateen oo aad la hadasheen Daacish iyo Taliban. Ethiopia lama xaajoon karto kooxda argagixisada ah ee TPLF. Sidee qaddiyad dimoqraadi u horseedi kartaa in inta yar sida ay doonaan kusoo rogaan inta badan.”

Qoraalkaas ayaa kadib la tiray, waxaana Midowga Afrika uu sheegay inuu baarayo dhacdadan. 

“Shaqaale ka tirsan Midowga Arika ayaa aragtidiisa shaqsiyeed kusoo qoray cinwaanka, taasi oo kasoo horjeeda xeerarka shaqaalaha Midowga Afrika. Qoraalkan la tiray kama tarjumayo mowqifka Midowga Afrika, waxaana loo arkaa mid jebin weyn ku ah anshaxa. Dhacdadan si gudaha ayaa loo baarayaa,” ayuu yiri Midowga Afrika.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa wakaaladda AFP u xaqiijiyey in qofka soo qoray qoraalka weerarka ah uu yahay Ethiopian.