Koox hubeysan oo galay qasriga amiirka dalka Qatar

Paris (Caasimada Online) – Burcad mid ka mid ah uu hubeysan yahay ayaa galay qasri uu degan yahay amiirka dalka Qatar, oo ku yaalla xeebta Faransiiska ee Cannes, halkaasi oo ay ka qaateen saacado iyo alaabo kale oo qaali ah, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen AFP.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka maqnaa qasriga markii ay kooxdan oo ka koobnaa afar qof ay galeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Mouans-Sartoux, sida uu sheegay il-wareedka, taasi oo xaqiijineysa xog ay markii hore baahisay warbaahinta RTL.

“Dad ku sugnaa qasriga ayaa u hoggaansamay hanjabaadda burcadda kadib markii ay arkeen hub ay wateen,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay AFP.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in dadka ku sugnaa qasriga aan bastoolad madaxa laga saarin.

“Burcadda ayaa qaadatay alaab qaali ah, gaar ahaan saacado,” ayuu yiri il-wareedka.

In kasta oo Amiirka uusan ku sugneyn qasrigaa, waxaa joogay xubno ka tirsan qoyskiisa, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore ee Qatar oo reer Al-Thani ah, sida ay sheegtay warbaahinta RTL.

Dhowr ka mid ah hay’adaha sharci fulinta ee magaalooyinka Grasse, Nice iyo Marseille ayaa furay baaritaan ku aadan kiiska.

Qoyska Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sanadkii 2013 ka tegay boqortooyada, kuna wareejiyey wiilkiisa Tamim, ayaa qasriga lahaa tan iyo sagaashamaadkii, wuxuuna ku fadhiyaa dhul cabirkiisu yahay 30 hektar, kuna yaalla Mouans-Sartoux.

Sanadkii 2016, wuxuuna hal milyan oo dollar ugu deeqay dadka degan xaafaddan yar.