Xog: Cabdirashiid JANAN oo ka goostay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka kala tirsan Villa Somalia, mucaaradka iyo xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu ka goostay Villa Somalia. 

Wasiir Janan ayaa bilo kahor isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Villa Somalia. 

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay uu ka dhaqaaqay Villa Somalia oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku ahaa xabsi guri, isagoo la sheegay in uu isu dhiibay xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta Mucaaradka ah. 

Caasimada Online waxay ka gaabsatay in ay baahiso magaca siyaasiga uu u tagay iyo halka lagu hayo Janan, sababo amni aawgood. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan. 

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay.

Cabdirashiid Janan ayaa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, 25-kii March 2021, maalmo kadib heshiiskii uu la gala dowladda.

Janan ayaa xilligaas sheegay inay isku qabteen Axmed Madoobe, in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo markii uu Muqdisho yimid bishii March, wuxuu ka baxay mudadaas hal mar oo kaliya oo ku beegneyd bartamihii bishii June, isaga oo aaday dalka Ethiopia kadibna soo laabtay.

Waa markii labaad ee Janan uu ka baxsado dowladda federaalka. Janan ayaa 28-kii Janaayo 2020 ka baxsaday xabsi guri uu ku jiray oo Muqdisho ah, isaga oo aaday Kismaayo.

Si kastaba, Janan ayaa markan ku sugan gudaha Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay inuusan ka cabsi qabin dhib kaga yimaada dowladda, sababo la xiriira in Farmaajo muddo xileedku ka dhammaaday, amniga dalkana uu mas’uul ka yahay ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale jirta, in qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, shanti bishii April 2020, lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay Janan, taasi oo ka dhigan in dowladda aysan mar kale kiis sharci ku furi karin.

Villa Somalia ayaa caan ku ah inaysan ka bixin ballamada ay la gasho siyaasiyiinta, ayada oo marka ku daneysata kadib iska tuurta.