Xildhibaanada beesha Xawaadle oo isugu tegay Beledweyne iyo ujeedka

Beledweyn (Caasimada Online ) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo doorashada kuraas kamid ah kuwa HirShabeelle ee Aqalka Hoose.

Xubnaha gaaray Magaaladab Beledweyne waxaa ka mid aha Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar, Wasiirkii hore Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Qoone iyo Siyaasiga C/llaahi Sanbaloolshe oo sanadkii 2016 Xildhibaan loo doortay, balse markii Taliyaha NISA loo magacaabay ku waayay xubinnimadii Golaha Shacabka, tartan uu mar kale u galayna horaantii sanadkii 2018 looga adkaaday.

Xubanaha gaaray Magaalada Beledweyne ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu gaaro Magaalada Beledweyne.

Wafdigaan gaaray Beledweyne ayaa la filayaa inay General Xuud iyo Beesha Xawaadle ku qanciyaan in madaxweynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaado Magaalada, waxaana muuqato in markaan loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne.

General Xuud iyo Beesha Xawaadle ayaa horey u diiday in madaxweynaha Hirshabelle uu yimaado Beledweyn kadib markii ay ku qanci waayeen awood qeybsiga maamulka Hirshabelle kadib markii laga wareejiyey xilkii madaxweynimo isla markaasna la siiyey xilka madaxweyne ku xigeen.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Maanta ka dagtay diyaarad siday gawaarida dagaalka iyo hub, waxayna wararka ka imaanayo magaalada sheegayaan inay dagan tahay.

Beledweyne ayaa waxaa taala illaa 25 kursi oo Golaha Shacabka ah, waana kuraas intooda badan  tartan iyo loolan adag uu ka jiro, waxaana ka mid ah Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo xifaaltan kala kulmayo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo sanadkan raadinaya kursi Xildhibaannimo.