Maxay taleefonka uga wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo amiirka Qadar?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah.

Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay Dalka Qadar ayaa qoray inuu wadahadalkaas dhacay isla markaasna ay labada Mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo waxyaabo kale.

Wargeyska Al-Sharq ayaan faahfaahin dheeri ah ka bixin wadahadalka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar, sidoo kalana weli ma aysan xaqiijin madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku qotamo iskaashi iyo in la is dhaafsado danaha labada dhinac.

Dowladda Qadar ayaa tan Soomaaliya ugu deeqday mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Soomaaliya kuwaas oo isugu jiro kuwa dhamaaday, kuwa socdo iyo kuwa kale oo la filayo inay dhacaan.

Dowladda Qadar ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowladda Soomaaliya ee uu hadda taladeeda hayo madaxweyne Farmaajo, waxayna Soomaaliya lumisay wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo xuladeeda maadaama ay Dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar.

Dowladda Qadar ayaa Dowladda Soomaaliya siiso lacag aad u badan oo lagu kabo miisaaniyadda Dalka, waxaana dhawr jeer Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyey inay xiriirka u jarto Qadar  oo ah wadan yar oo qani ah.