25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maxay Xildhibaanada BFS ka yiraahdeen Mushaar la’aanta Ciidamada Qaranka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa ka hadlay Xuquuqda ay Ciidamada ku leeyihiin Dowlada Somalia.

Xildhibaanada ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin wixii intaa ka danbeeya in Ciidamo har iyo habeen usoo jeeda ilaalinta shacabka ay noqdaan mushaar la’aan.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Baarlamaanka ayaa sheegay inay daba taagnaan doonaan xuquuqda ciidamada si loo siiyo mushaaraadka ay ku leeyihiin Dowlada.

Waxa uu sheegay in ciidamada Dowlada ay hayaan shaqooyinka ugu muhiimsan sidaa darteedna aysan suuroobi doonin in Ciidamada ay mushaar la’aadan.

Waxa uu sheegay in talaabada ugu horeysa ay qaadi doonto Dowlada ay noqon doonto soo dhicinta xuquuqda ciidanka iyo sharciyada.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed waxa uu sidoo kale arrin muhiim ah ku sheegay in Ciidanka ay helaan Mushaaraadkooda, maadaama ay yihiin kuwo mar walba difaaca wadanka.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Madaxweynaha JFS uu ka shanqariyay in kaalinta koowaad ay siin doonaan Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News