Qaraxyo goordhow lagu weeraray xarunta Bankiga Dhexe ee Puntland

Bosaso (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, gaar ahaan xarunta Bankiga Dhexe.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Xarunta Bankiga Dhexe oo ku aktaala xarunta Gobolka Bari.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Labo Bambo gacmeed, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada ku sugnaa Bangiga ay rasaas ooda ka qaaden.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ay geysteen labo dhalinyaro oo Qaraxyada kadib goobta ka baxsaday, sida laga soo xigtay goobjoogayaasha.

Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Qaraxyada ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan, inkastoo aan la xaqiijin inta ay la egyihiin.

Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa bilihii ugu danbeeyay ka dhacaayay Dilal loo geysanaayo Saraakiisha iyo shaqaalaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
Caasimada@live.com