Hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia oo lagu helay kiis halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa qortay in Hogaamyaha mucaaradka dalkaasi Merera Gudina ahna Gudoomiyaha la doortay ee Federaaliga Oromo Kongress, uu xiriir dhow la yeeshay Kooxaha Argagixisa Africa.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in Dacwada Merera Gudina ay ugu danbeyntii cagaha la gashay Argagixisonimo kadib markii dacwad oogayaasha Ehiopia ay ku soo oogeen dacwad ah argagixisada.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Hogaamyaha mucaaradka Ethiopia lagu helay kiis Argagixisnimo kadib markii uu kulamo kala duwan la qaatay xubnaha ka soo horjeeda Dowlada Ethiopia.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Hogaamyaha mucaaradka uu xubnahaasi la kulmay xili uu safar ku tagay Yurub sanadkii la soo dhaafay.

Kiiska Argagixisonimada ayaa waxaa sidoo kale lagu helay Jawar Mohammed oo ah dhaqdhaqaaqe Oromo caan ah iyo Agaasimaha Guud ee warbaahnta Oromia Media iyo Berhanu Nega.

Hogaamyaha mucaaradka dalkaasi Merera Gudina, ayaa sidoo kale waxaa horay looga diiday in lagu sii daayo damaanad, kadib markii ay damaanadaasi ka hor imaaden Saraakiisha Booliska ee gacanta ku hayay gal dacwadeedka.

Dhinaca kale, Hogaamyaha mucaaradka Merera Gudina, ayaa iminka noqonaaya Hogaamiye xiriir dhow la leh Kooxaha Argagixisada ee sida dhow kaga soo horjeeda Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com